dalot

Kulankii ugu dambeeyay ee ay la ciyaareen Everton FC, Diogo Dalot wuxuu mar kale muujiyay inuu si weyn u hormariyay xilli ciyaareedkan. Tirakoobyadiisu way hadlayaan, balse waxa ka muhiimsan waa saamaynta uu ku leeyahay ciyaarta guud ahan.

Isagoo 4 jeer kubada ku taabtay gudaha diilinta goolka ee kooxda ka soo horjeedda taas oo ahayd tirada wadaaga ugu badan ee kulanka wuxuu cadeeyay inuusan ku ekaan doorkiisa daafaca oo keliya. Dalot si joogto ah ayuu weerarka uga qayb qaataa, wuxuu abuuraa fursado dhinaca garabka ah, wuxuuna si kalsooni leh ugu biiraa weerarka. Awooda uu weerarka iyo difaacaba isku dhee litirayo waxay faa’iido weyn u tahay Manchester United FC.

Dhinaca difaaca, 3-da jeer ee uu kubbadda ka dhex qabtay (interceptions) oo ahayd tirada ugu badan ee ciyaartoyda United iyo mid ka mid ah kuwa ugu Safeway  kulanka waxay muujinaysaa feejig naantiisa iyo fahamka ciyaarta. Wuxuu si fiican u akhriyaa dhaqdhaqaaqa ciyaarta, meelaha Banaan si xirfad leh ayuu u xiraa, wuxuuna u muuqdaa mid gu aa nadiisa noqdeen kuwo ka bisil sidii hore.

Hogaanka Michael Carrick hoostiisa, waxaa ay u muuqata ciyaaryahanka  kalsooni leh oo joogteynaya waxqabadkiisa. Meelayntiisu waa ka caqli badan tahay, weerarradiisuna waa kuwo si fiican loo xushay, saameyntiisuna waa mid isku dheelitiran. Horyaalka Premier League oo aad u adag, joogtayntu waa furaha guusha.

Marka la soo koobo, Dalot wuxuu noqday daafac casri ah: difaac adag, weerar firfircoon, isla markaana saameyn muuqata leh marka loo baahdo. 

Hadii uu sidan ku sii socdo, wuxuu si buuxda ugu qalmi karaa inuu noqdo tiir muhiim u ah safka koowaad ee United.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *