#WARARKA MAANTA

🌎 HERE WE GO! Isku-aadka Koobka Adduunka 2026 Oo Si Rasmi Ah Loo Shaaciyay – Yaa Ku Guuleysan Doona?

world cup 2026
world cup 2026

Washington – Waa la gaaray xilligii la wada sugayay! Xamaasadda kubadda cagta adduunka ayaa cirka isku shareertay kadib markii daqiiqado kahor si rasmi ah loo soo bandhigay isku-aadka world cup 2026.

Munaasabaddan oo indhaha caalamku kusii jeedeen, ayaa ugu dambeyn daaha ka rogtay waddada ay xulalka adduunku u mari doonaan hanashada koobka ugu qaalisan ciyaaraha. Iyadoo ay martigelinayaan saddexda dal ee Maraykanka, Mexico, iyo Kanada, tartankan wuxuu noqonayaa kii ugu ballaarnaa taariikhda, iyadoo ay ku loolamayaan 48 waddan.

🔥 Maxaa Cusub?

Isku-aadka la sameeyay ayaa durba dhaliyay hadal-hayn xooggan. Waxaa soo baxay Group-yo u muuqda kuwo “Dhimasho” ah iyo kuwo kale oo fursad siinaya xulalka soo koraya. Taageerayaasha ayaa durba billaabay falanqeynta iyo saadaalinta cidda u gudbi doonta wareegyada xiga.

world cup 2026

🏆 Su’aasha Weyn: Yaa Qaadi Doona Koobka?

Marka la eego isku-aadka iyo awoodda xulalka, doodda ugu weyni waa cidda ku dambeyn doonta masraxa guusha bisha July 2026.

  • 🇦🇷 Argentina: Lionel Messi iyo saaxiibadiis ma awoodi doonaan inay difaacdaan koobka oo ay sameeyaan taariikh kale?
  • 🇫🇷 France: Kylian Mbappé iyo xiddigaha Les Bleus ma soo ceshan doonaan sharaftoodii kadib finalkii Qatar?
  • 🇧🇷 Brazil: Seleção ma soo afjari doonaan abaarta koobka adduunka ee haysatay muddo dheer?
  • 🏴󠁧󠁢󠁥󠁮󠁧󠁿 England: Ma markoodii baa mise waa “Coming Home” mar kale?
  • 🇪🇸/🇩🇪 Spain & Germany: Jiilka cusub ee Yurub ma yihiin kuwo diyaar u ah inay dunida qabsadaan?

🗳️ Adiga Aragtidaada Dhiibo!

Isku-aadku waa dhacay, hadda waa waqtigii saadaasha.

  1. Waa kee Group-ka ugu adag (Group of Death) ee aad aragtay?
  2. Yaa noqon doona faras-boodka (Dark Horse) tartankan?
  3. Ugu dambeyn, yaa kor u qaadi doona Koobka Adduunka 2026?

Fikirkaaga noogu reeb qaybta faallooyinka! 👇

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *