Isku aadka Koobka Adduunka 2026

Washington D.C. – Caawa, indhaha dunidu ma eegayaan garoon lagu ciyaarayo kubad, balse waxay si gaar ah ugu jeedaan masraxa quruxda badan ee Kennedy Center ee magaalada Washington, caasimadda dalka Maraykanka. Waa habeen taariikhi ah oo asteynaya billowga rasmiga ah ee xamaasadda Koobka Adduunka 2026, kaas oo noqon doona kii ugu ballaarnaa taariikhda kubadda cagta.

Saacadaha soo socda, 48 waddan ayaa ogaan doona aayahooda wareegga hore, iyadoo FIFA ay soo bandhigayso nidaam cusub oo aan horay loo arag. Munaasabaddan ma ahan kaliya mid lagu ogaanayo cidda ay isku group-ka noqonayaan xulalka, balse waa mid lagu daah-furayo bog cusub oo taariikhda FIFA ah, maadaama tirada dalalka ka qeyb-galaya laga dhigay 48 dal, halkii ay horay uga ahaan jireen 32 dal.

Saddexda Dal ee Martida Loo Yahay iyo Kala-sarreynta Gaarka ah

Isku aadka Koobka Adduunka 2026 waxa ugu horreeya ee indhaha lagu hayo caawa waa saddexda dal ee wada-jirka u martigelinaya koobkan: Maraykanka, Mexico, iyo Kanada. Si ka duwan tartamadii hore, FIFA waxay go’aansatay in saddexdan dal aysan gelin qori-tuurka caadiga ah ee dhanka Group-yada, balse horey loo sii qoondeeyay si loo fududeeyo saadka iyo qaban-qaabada.

Isku aadka Koobka Adduunka 2026

Tallaabadan ayaa ka dhigan in dalalka kale ee dunidu ay ogyihiin saddexda Group ee ay martida ku jiraan, taas oo xiiso gaar ah u yeelaysa cidda nasiibka u yeelan doonta inay la ciyaaraan dalalka martigeliyayaasha ah.

Kala-soocidda Awoodaha (Pots) iyo Cabsida “Group-ka Dhimashada”

Sida caadada ah, FIFA waxay u qaybisay dalalka 4 weel (Pots) iyadoo la eegayo darajada FIFA (FIFA Ranking).

Weelka 1-aad (Pot 1) waxaa ku jira “Libi-aarka” kubadda cagta adduunka. Marka laga soo tago saddexda martigeliyayaasha, waxaa ku jira awoodo ay ka mid yihiin Spain, Argentina (difaacayaasha koobka), France, Brazil, iyo Germany. Xulalkan waa kuwa laga ilaalinayo inay isku arkaan wareegga hore.

Laakiin, xiisaha dhabta ah wuxuu yaallaa Weelka 2-aad. Halkaas waxaa ku jira xulal aad u adag sida Morocco (oo wacdarro ka dhigtay Qatar 2022), Croatia, Uruguay, iyo Netherlands. Tani waxay abuuraysaa suurtagalnimada in la helo waxa loo yaqaanno “Group of Death” ama Group-ka dhimashada. Tusaale ahaan, waxaa dhici karta in hal Group ay iskugu yimaadaan France, Uruguay, Masar, iyo Ghana. Arrintan ayaa ah mida ugu weyn ee wadnaha farta ugu haysa taageerayaasha caawa.

Rajada Qaaradda Afrika iyo Dalalka Carabta

Munaasabadda caawa waxay muhiimad gaar ah u leedahay Qaaradda Afrika iyo Dunida Carabta. Pot 2 waxaa ku jira Morocco, taas oo ka dhigan inaysan wajihi doonin xulalka kale ee adag ee isla weelkaas kula jira. Dhanka kale, Pot 3 waxaa ku jira awoodo Carbeed iyo Afrikaan ah sida Masar, Algeria, Tunisia, Senegal, iyo Saudi Arabia.

Nidaamka cusub ee FIFA ayaa dhigaya in laba dal oo isku qaarad ah aysan hal Group wada geli karin (marka laga reebo Yurub). Sidaas darteed, Morocco ma aadi karto Group ay ku jirto Senegal ama Masar. Tani waxay fursad u siinaysaa xulalka Afrikaanka inay ku kala firdhaan Group-yada, taas oo kordhinaysa fursadda ay ugu gudbi karaan wareegga xiga.

Lixda Kursi ee Banaan iyo Rajada Is-reeb-reebka

Inkastoo caawa la sameynayo isku-aadka, haddana liiska weli ma dhammaystirna. Waxaa jira 6 boos oo banaan kuwaas oo lagu go’aamin doono ciyaaro dhici doona bisha Maarso ee sannadka 2026. Afar ka mid ah kuraastan waxay ka imanayaan qaaradda Yurub, halka labada kale ay yihiin is-reeb-reeb caalami ah oo ay ku loolamayaan dalal ay ka mid yihiin Bolivia, Ciraaq, iyo kuwa kale.

Wadamada ku jira “Pot 4” ee caawa la qori-tuurayo waxaa ku jira boosas maran oo loo sii qoondeeyay kuwa soo bixi doona. Tani waxay ka dhigan tahay in xulalka waaweyn ay caawa ogaan karaan inay wajihi doonaan “Guuleystaha Play-off A” tusaale ahaan, taas oo ka dhigaysa saadaasha mid aan weli boqolkiiba boqol la xaqiijin karin.

Qaab-dhismeedka Tartanka iyo Wareegga 32-da

Isbeddelka ugu weyn ee caawa la sharxi doono waa sida loogu gudbayo wareegga xiga. Maadaama ay jiraan 12 Group, waxaa toos u gudbi doona labada xul ee ugu sarreeya Group kasta (wadarta 24 xul). Si tirada loo gaarsiiyo 32 xul, waxaa soo raaci doona 8-da xul ee ugu dhibcaha wanaagsan kuwa kaalinta saddexaad galay.

Nidaamkan wuxuu siinayaa rajo weyn xulalka yaryar, maadaama hal guul oo kaliya ay mararka qaar ku filnaan karto inaad u gudubto wareegga xiga adigoo ah “Best Third Place”.

Isku soo wada duuboo, munaasabadda caawa ee Washington ma ahan kaliya isku-aad, waa astaan muujinaysa isbeddelka weyn ee ku yimid juqraafiga iyo nidaamka kubadda cagta adduunka. Taageerayaasha ayaa kaliya 24 saac u jira inay helaan jadwalka rasmiga ah ee taariikhaha iyo garoomada, laakiin caawa ayaa la kala ogaan doonaa cidda loo saadaalin karo inay kor u qaaddo koobka dahabiga ah bisha July ee 2026.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *