
Kubadda cagta Soomaaliyeed waxaa soo gaaray war farxad leh oo taariikhi ah, kadib markii Garsoore Cumar Artan ku soo baxay liiska afar garsoore oo u tartamaya Abaalmarinta Garsooraha Ugu Fiican Afrika ee CAF Awards 2025.
Tani waa guul muuqata oo muujineysa kororka, kartida iyo sumcadda garsoorayaasha Soomaaliyeed ee heerka caalami. Waxaa sidoo kale ka dhigan in Soomaaliya ay markale ka muuqato masraxyada waaweyn ee kubadda cagta Afrika.
Xafladda CAF AWARDS ee sanadkan ayaa lagu qaban doonaa 19-ka November 2025 magaalada Rabat, Morocco. Waa goobta ugu sharafta badan ee lagu maamuuso ciyaaryahanada, tababarayaasha, garsoorayaasha iyo shaqsiyaadka kale ee wax badan kusoo kordhiyay kubadda cagta Afrika.
Garsoore Cumar ayaa sanadkan soo bandhigay hawl fiican oo joogto ah, isagoo ka muuqday meelo badan oo tartamada CAF ah. Xirfadiisa, degganaantiisa iyo go’aan qaadashadiisa ayaa ka dhigtay magac si weyn loo qiimeeyo.
Abaalmarinta Garsooraha Ugu Fiican Afrika waxaa isku soo haray afar garsoore oo heer sare ah:
Cumar wuxuu ka mid yahay kuwa ugu cad-cad, maadaama sanadkii 2025 uu sameeyay waxqabad aad u sarreeya oo ay caf iyo dalalka qaarkood ka ammaaneen.
Cumar wuxuu noqday garsoore lagu amaano maamulidda ciyaaraha adag iyo cadaaladda uu ku shaqeeyo.
Waxaa lagu arkay kulamo waaweyn oo caalami ah oo uu si hufan u maamulay.
Inta badan kooxaha iyo ciyaartoyda kula kulmay garoomada ayaa ku amaanay sida deggan oo xirfad leh uu u maamulo ciyaarta.
Cumar waxa uu maanta matalayaa hal-abuurka iyo kartida dhallinyarada Soomaaliyeed ee kubadda cagta. Waxaa sharaf gaar ah in calanka Soomaaliya lagu arko xaflad heerkan oo kale ah oo ay ka soo qayb-galayaan qaaradda oo dhan iyo marti sharaf caalami ah.
Haddii uu ku guuleysto abaalmarintan, waxay noqon doontaa mid ka mid ah guulaha ugu waaweyn ee garsoorayaasha Soomaaliyeed soo maraan taariikh ahaan.
Sida ay hadda u muuqato, Cumar waa musharax aad u awood badan. Dad badan oo Soomaaliyeed iyo taageerayaasha kubadda cagta Afrika ayaa u arka garsooraha Soomaaliyeed mid ka mudan abaalmarinta sannadkan.
Wax walba waxay go’aankooda caf, balse taageerada bulshada Soomaaliyeed iyo kuwa caalamka ayaa durba xoogan.
Garsooraha Soomaaliyeed wuxuu horay u qaaday tallaabo weyn — balse taageeradaada ayaa qayb ka ah guushiisa.
Adiga maxaad u rajaynaysaa Cumar?
Ma u malaynaysaa inuu ku guuleysan doono?
Ku dhaaf aragtidaada hoos!
Leave a comment