Halyeeyga tababare ee Arsenal, Arsène Wenger, ayaa shaaca ka qaaday labada kooxood ee uu aaminsan yahay inay yihiin khatarta ugu weyn ee ka hortaagan Arsenal hanashada Champions League xilli ciyaareedkan – waana Paris Saint-Germain iyo Bayern Munich.
Arsenal ayaa sii wadata bilowgeeda cajiibka ah ee tartankan, iyadoo 3–0 ku garaacday Slavia Prague kulankii Salaasadii, taasoo ka dhigaysa inay guuleysteen afartii kulan ee ugu horreeyay ee Champions League. Gunners ayaa haatan muujinaya qaab ciyaareed adag oo ka dhigan inay yihiin musharixiin dhab ah oo koobka u dagaallamaya.
Dhanka kale, Bayern Munich ayaa sidoo kale dhisan xilli ciyaareed adag, iyagoo iyaguna badiyay dhammaan afartii kulan ee ay ilaa hadda ciyaareen. Bayern ayaa 2–1 kaga adkaatay PSG kulan adag oo ka dhacay Parc des Princes, taasoo muujinaysa in kooxda Bavaria ay mar kale tahay mid awood u leh hanashada koobka Yurub.
Kooxaha kale ee Premier League sidoo kale performace adag ayay muujinayaan. Liverpool ayaa iska xaadirisay kaalmaha sare kadib guushii 1–0 ee ay Anfield kaga gaareen Real Madrid. Kooxda Arne Slot ayaa haatan hal dhibic ka sarreysa Tottenham kuwaas oo iyaguna 4–0 ku burburiyay FC Copenhagen.
Manchester City ayaa fursad u leh inay dhaafto Liverpool iyo Tottenham haddii ay guul ka gaarto Borussia Dortmund kulan Arbacada ka dhici doona Etihad Stadium. Sidoo kale, Chelsea iyo Newcastle United ayaa yeelan kara sagaal dhibcood haddii ay badiyaan kulamadooda ay la ciyaarayaan Qarabag iyo Athletic Bilbao.
Markii uu la hadlayay beIN Sports, Wenger wuxuu si gaar ah u xusay in PSG iyo Bayern ay yihiin labada kooxood ee ugu cadcad marka laga eego kuwa Yurub ee ka baxsan Premier League. Wuxuu yiri:
“Waxaan odhan lahaa labadan kooxood waa kuwa keliya ee ka baxsan England ee awoodda u leh inay xilli ciyaareedkan ku guuleystaan Champions League.”
Wenger wuxuu sidoo kale carabka ku adkeeyay in Real Madrid ay iyaduna weli tahay koox aan marna laga saari karin liiska musharixiinta.
Isaga oo ka hadlaya heerka kooxaha, wuxuu yiri:
“Paris Saint-Germain waxay horyaalka France si fudud ugu guuleysan doontaa, halka Bayern ay durba u dhow yihiin hanashada Bundesliga. Sidaas darteed, tartankooda dhabta ahi waa Champions League.”
Wenger ayaa ku daray in tartanka xilli ciyaareedkan uu noqon doono mid aad u xiiso badan maadaama PSG iyo Bayern ay tahay inay wajahayaan shanta koox ee Premier League ee hadda ah kuwa ugu heerka sarreeya Yurub.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri:
“Hadda, PSG heerkii ugu fiicnaa ma joogaan, Real Madrid iyo Liverpool waxay isku dayayaan inay gaaraan awooddooda ugu badan, halka Bayern ay hadda joogaan heer aad u sarreeya.”
Leave a comment