
Kooxda Liverpool ayaa dib ugu soo laabatay wadadii guusha kadib markii ay 2-0 ku garaacday Aston Villa, kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League oo ka dhacay garoonka taariikhiga ah ee Anfield Road.
Guushan ayaa ahayd mid aad muhiim ugu ah Liverpool oo todobaadyadii u dambeeyay la daalaa-dhacaysay natiijooyin aan fiicnayn, kadib markii ay afar kulan oo isku xigta guuldarro iyo barbaro la kulantay. Si kastaba ha ahaatee, kooxda uu hogaamiyo macallin Arne Slot ayaa mar kale muujisay awood iyo niyad adag, taasoo ay ku xaqiijiyeen saddex dhibcood oo qiimo badan.
Ciyaarta ayaa ahayd mid furan, labada kooxoodna si xooggan ayay u dagaalameen, balse daqiiqaddii 45+1 ayaa Mohamed Salah jebiyay caqabaddii Villa kadib qalad uu sameeyay goolhayaha Emiliano Martínez.
Kubbad si khalad ah uga soo baxday gacanta goolhayaha ayaa gacanta u gashay Salah, kaasoo si xeeladaysan u dhameystiray fursadda, isagoo si fudud lugta midig ugu dhaliyay kubbadda. Goolkaas ayaa ahaa mid dhiirrigelin u noqday jamaahiirta Anfield oo muddo sugayay in kooxdoodu ay mar kale gool dhaliso.

Markii la isku soo laabtay qeybtii labaad, Liverpool ayaa sii xoojisay weerarka, waxayna helaysay fursado isdaba joog ah. Daqiiqaddii 58-aad, Ryan Gravenberch ayaa dhaliyay goolka labaad, isagoo laad xooggan ku hubiyay shabaqa kaddib markii uu kubbad ka helay salah.
Laadkiisa ayaa beddelay jihada kubbadda, waxaana ay si toos ah u gashay shabaqa, iyadoo Emiliano Martínez u muuqday mid aan waxba qaban karin.
Liverpool ayaa hore u dhalisay gool loo diiday qeybtii hore ee ciyaarta, kadib markii garsooruhu uu tilmaamay in Hugo Ekitike uu offside ahaa markii uu kubbadda taabtay. VAR ayaa xaqiijisay go’aankaas, inkastoo taageerayaasha Anfield ay ka niyad jabeen daqiiqadahaas.
Dhinaca kale, Aston Villa waxay heshay fursado dhowr ah, balse weeraryahannadooda, gaar ahaan Ollie Watkins iyo Moussa Diaby, ayaa ku adkaatay inay jebiyaan difaaca adag ee uu hogaaminayay Virgil van Dijk.
Guushan kadib, Liverpool waxay kor u dhaaftay Manchester City oo barbaro gashay usbuucan, waxayna gaartay 18 dhibcood, taasoo ka dhigtay inay ku jirto kaalinta saddexaad ee horyaalka Premier League.
Aston Villa, oo si adag u bilowday xilli ciyaareedka, ayaa hoos ugu dhacday booska 11-aad iyadoo haysata 15 dhibcood. Macallinka Villa Unai Emery ayaa sheegay in kooxdiisu u baahan tahay “dhiirrigelin cusub” iyo “iskudubarid fiican” kulamada soo socda.
Tababaraha Liverpool, Arne Slot, ayaa kadib ciyaarta sheegay in kooxdiisu ay muujisay “maskax dagaal iyo adkeysi.”
“Waxaan u baahannahay inaan mar walba diiradda saarno ciyaarta, gaar ahaan marka aan la kulanno kooxo sida Aston Villa oo si adag u ciyaara. Guushan waxay muujineysaa in aan dib ugu soo laabanay wadadii saxda ahayd,” ayuu yiri Slot.
Liverpool ayaa muujisay in ay weli tahay mid ka mid ah kooxaha ugu adag Premier League, iyadoo Mohamed Salah mar kale muujiyay sababta loogu yaqaan “Boqorka Anfield.”
Source:
👉 Goosha.net – Wararka Ciyaaraha
Leave a comment