
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xiddiga kooxda Brentford iyo xulka Cameroon, Bryan Mbeumo, uu wado olole uu ku doonayo inuu ku qanciyo saaxiibkiis ay isku xulka yihiin, Carlos Baleba, inuu ka tago Brighton kuna biiro kooxda Manchester United.
Manchester United ayaa si weyn u danaynaysay saxiixa Baleba intii lagu jiray suuqii xagaaga, balse dalab ay ka gudbiyeen da’yarkan khadka dhexe ka ciyaara ayaa waxaa si toos ah u diiday maamulka Brighton, oo ku adkaystay in 21-jirkan aanu iib ahayn.
Guddoomiyaha kooxda Brighton, Tony Bloom, oo usbuucan u warramay wargeyska The Argus, ayaa xaqiijiyay xiisaha United, wuxuuna yiri:
“Kiiska Baleba ma ahayn mid sidaas u weyn. Waxaa jiray xiiso ka yimid Manchester United, laakiin waxaan si cad ugu sheegnay inuusan diyaar u ahayn iib xagaagan, wayna iska tageen. Horay ayaan u soo marnay xaalado ka waaweyn oo dhanka suuqa ah. Si kastaba, horumarka Carlos Baleba wuxuu ahaa mid cajiib ah.”
In kasta oo United ay u muuqatay inay ka laabatay xiisahaas, haddana wargeyska The Sun ayaa daabacay in Mbeumo uu doonayo inuu dib u soo nooleeyo rajada Red Devils.
Warbixinta ayaa intaas ku dartay in Mbeumo (26 jir), oo Baleba ay ka wada tirsan yihiin xulka qaranka Cameroon, uu si joogto ah ula wadaagayo Baleba faa’iidooyinka iyo sharafta uu yeelan karo haddii uu u dhaqaaqo garoonka Old Trafford. Tani waxay u muuqataa isku day uu Mbeumo ku caawinayo saaxiibkiis si uu u qaato go’aan weyn oo mustaqbalkiisa ku aaddan.
Waxaana la arki doonaa haddii dadaalka Mbeumo uu miro dhalo marka uu furmo suuqa kala iibsiga ee soo socda.
Leave a comment