Kubadda cagta Afrika mararka qaar waa mid lama filaan ah oo naxdin leh. Waa kii dhawaan, oo xulka Super Eagles ee Nigeria ay ku jireen xaalad mugdi ah. Waxay ku jireen kaalinta saddexaad ee Group-kooda isreebreebka Koobka Adduunka. Taas oo macnaheedu ahaa: MA JIRTO RAJO ay ku gaaraan Koobka Adduunka.
Rajadii taageerayaasha ayaa gabaabsi ahayd, cabsiduna waxay ahayd in mid ka mid ah quwadaha ugu waaweyn Afrika uu ka maqnaan doono tartanka ugu weyn ee adduunka.
Ninkii Ka Badbaadiyey: Victor Osimhen!
Laakiin sida filimada weyn ee Hollywood-ka, waxaa soo muuqday Halyeey badbaadiyey xaaladda. Victor Osimhen, weeraryahanka Napoli, ayaa si hagar la’aan ah u qaaday mas’uuliyadda qarankiisa.
Kulankii ugu dambeeyay, kaasoo ahaa kulan ay Nigeria u ahayd Geeri iyo Noolol, ayuu Osimhen sameeyay bandhig cajiib ah oo taariikhi ah. Waxa uu shabaqa dhex dhigay saddex gool (Hat-trick) oo qurux badan, isagoo dhabarka ka jabiyay xulkii ay la ciyaarayeen.
Goolashii Muhiimka Ahaa:

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *