realmadrid

REAL MADRID OO KU GUULEYSATAY EL CLÁSICO – SADDEXDA DIB U SOO NOQOSHO, ISKOORKA, IYO FARQIGA 5-DHIBCOOD EE AY KU HEESATO!

Kooxda Real Madrid ayaa markale muujisay sababta loogu yeero boqorrada kubadda cagta adduunka, kadib markii ay guul cajiib ah ka gaartay Barcelona ciyaartii caanka ahayd ee El Clásico ee ka dhacday garoonka Santiago Bernabéu. Los Blancos ayaa 2–1 kaga adkaatay kooxda ay xafiiltamaan, iyagoo markan si cad u muujiyey awood, isku duubni iyo niyad sare […]

Liverpool

Liverpool Oo Guuldarro Xanuun Badan Kala Kulantay Brentford – Reds Oo Laba Gool Laga Badiyay

Kooxda Brentford ayaa soo bandhigtay ciyaar cajiib ah oo ay 3–2 ku dardareen Liverpool kulan ka tirsanaa wareegga 9-aad ee horyaalka Premier League, kaas oo ka dhacay garoonka Gtech Community Stadium.Reds ayaa la kulantay niyad-jab weyn kadib markii ay seegtay fursad ay ku dhowaato kooxaha hogaaminaya tartanka. ⚽ Brentford Oo Si Dagaal Leh Ku Bilaabatay […]

WARBIXIN: 3 Arimood Oo Ay Man United Tahay In Ay Badasho Si Ay Uga Faa’iidaystaan Nidaamka Ruben Amorim.

Tababaraha Manchester United, Ruben Amorim, ayaa si cad u sheegay in haddii kooxda ay rabto in uu beddelo nidaamkiisa, ay tahay in ay isaga shaqada ka ceyriso. Hadalkaas geesinimada leh ayaa markale muujiyay go’aankiisa adag iyo kalsoonidiisa ku aaddan falsafaddiisa ciyaareed ee uu la yimid Old Trafford. Inkasta oo uu kaliya sideed guulood ka gaaray […]

🔴 Manchester United Oo Garaacday Brighton 4–2 ⚽🔥

Kooxda Manchester United ayaa muujisay awood iyo go’aan adag kadib markii ay 4–2 ku garaacday kooxda adag ee Brighton & Hove Albion, ciyaar ka dhacday garoonka taariikhiga ah ee Old Trafford kana tirsanayd horyaalka Premier League. Ciyaarta ayaa ahayd mid xamaasad iyo weerarro isdaba joog ah leh, iyadoo labada koox ay soo bandhigeen qaab ciyaareed […]

🔵 Shaxda Ay Chelsea Kaga Hor Tagi Karto Sunderland – Enzo Maresca Oo Isbeddel Sameynaya!

Kooxda Chelsea ayaa isku diyaarinaysa kulanka xiisaha leh ee ay Sabtida la ciyaari doonaan Sunderland, iyadoo tababaraha reer Talyaani Enzo Maresca uu qorsheynayo isbeddello muhiim ah ka dib todobaadkii cajiibka ahaa ee ay Blues soo qaadeen. Chelsea ayaa habeenkii Arbacada 5–1 ku xasuuqday kooxda Ajax kulan ka tirsanaa Champions League, taasoo muujisay in kooxda Maresca […]