“Waan Idin Arki Doonaa 2026” – Trent Alexander-Arnold oo Farriin Qiiro Leh U Diray Taageerayaasha Real Madrid Kadib Dhaawacii Cuslaa.
Madrid – Xiddiga garabka midig ee kooxda Real Madrid, Trent Alexander-Arnold, ayaa jebiyay aamusnaanta isagoo farriin taabasho leh la wadaagay taageerayaasha kooxda (Madridistas), kadib markii la xaqiijiyay inuu garoomada ka maqnaan doono muddo laba bilood ah. Dhaawacan oo kasoo gaaray muruqa intii ay socotay ciyaartii adkeyd ee Athletic Bilbao, ayaa kusoo beegmay xilli xasaasi ah. […]


























































































